Madaxweyne Deni iyo Ra’iisul Wasaare Hore Khayre oo gaarey Kismaayo.

17 December, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Deni oo ay weliyeen xubno katirsan dowladda iyo xildhibaano heer federal ah ayaa Kismaayo kaga qaybgeli doona shir looga arrinsayo arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka Somalia.

Waftiga Madaxweynaha oo wata ilaalo aad u hubaysan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkayay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhanka kalena, Waxaa Kismaayo gaarey wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyada oo la filayo in xubnaha kale ee Madasha Samatabixinta ay goordhow soo gaaraan Kismaayo.