Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faray laamaha ammaanka inay si deg deg ah wax…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa faray laamaha ammaanka inay si deg deg ah wax uga qabtaan falalka ammaan xumo ee ku soo badanaya Magaalada Galkacyo iyo gobolka Mudug.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Deni ku amray maamulka gobolka iyo ciidanka ammaanka inay qaadaan tallaabo walba oo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka.
“Gobolka Mudug waxaa ugu daran amniga, ciidan baa la keenayaa farabadan, booliskaa lagu soo darayaa, waxaa la keenayaa ciidan birmad ah”, Ayuu yiri guddoomiye Cabdiweli Bayle.
Guddoomiye Bayle ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu bixiyey amarka waxka qabashada ammaanka gobolka Mudug,“Madaxweynaha Puntland, madaxdii Mudug hadday wasiiro tahay iyo hadday xildhibaano tahay habeen saddexaad wuu shiray, amar buu ku bixiyay in amniga gobolka Mudug wax fiican laga qabto.”




