29 June, 2025
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay hawlgalka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qaar kamid ah askartii ku dhaawacantay hawlgalka Cal-msikaad oo ka cawday daryeelkooda Caafimaad.
Madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyey in ciidamada cabashada ka muujiyey adeegyada caafimaad ee ku sugan Boosaaso loo soo wareejiyo Magaalada Garoowe lana hubiyo xaaladooda caafimaad, daryeel iyo wixii baahidooda ah.
Qoraal ka soo baxay hawlgalka Cal-miskaad ayaa lagu sheegay in guddiga taakulada ciidamadu ay durba ka hawlgaleen daryeelka ciidamada iyo hubinta cabashada ay ka muujiyeen daryeelkooda.



