Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la dardaarmay guddoonka iyo garsoorka maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la dardaarmay guddoonka iyo garsoorka maxkamadaha ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa amar ku bixiyey in la xukumo lana toogto dhammaan shaqsiyaadkii ka shaqeeyey in Daacish soo gasho Cal-miskaad iyo dadka xilligaan taageera oo kala shaqeeya inay helaan sahay iyo agabka dagaalka.
“Kuwa dadkaan u kaday dhibka soo gaarey ee Meeshaas aad aragteen dadkii ku beeray oo weli la shaqaynaya oo raashinka u geynaya miyi iyo magaalaba, waa kuwaas kuwa anigu aan rabo dilka aad ku xukuntaan inaan ku fuliyo oo aan indhahayga ku arko”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga digey in oday dhaqameedka iyo mas’uuliyiinta xilalka haya ugu yimaadaan Maslaxada shaqsiyaadka lagu helo kaysaska kamid ahaanshaha kooxaha nabadiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.
“Waxaan rabaa inaan halkaan uga faro reer iyo nin mas’uul ah oo xil haya nin argagixiso ah oo dambiile ah xafiiskayga inaysan isugu soo ceebayn oo u imaan, cadliga iyo qisaastu waa nolosha bini’aadamka, haddii dhawr dambiilayaal ah dadkaa laga dilo inta noolaanaysaa badan, haddii la siidaayana ka badan ayey dilayaan marka hadduu waalidkaa iyo walaalkaa yahay oo aad caddaalad ku xukunto xaq ayaad ka rogtey”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.



