Madaxweyne Deni oo booqday goobaha dadweynaha ee Boosaaso.

7 May, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa habeenimadii xalay booqday qaar ka mid ah goobaha…

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa habeenimadii xalay booqday qaar ka mid ah goobaha lagu caweeyo iyo kuwa lagu dukaameysto ee magaalada Boosaaso, kuwaasi oo kala ah Jaapir Plaza Hotel, Bun House , Mareero Hotel iyo Almacruuf Supermarket.

Qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintii wehelisey ayaa boggaadiyey horumarinta Amniga Boosaaso iyo dedaalada ay xukuumaddu ku bixisay.

Ugu dambayntiina shacbaka ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay ugu garab taaganyihiin Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo ciidanka gacanta ku haya ammaanka magaalada Boosaaso.