Madaxweyne Deni oo caawa la kulmay golayaasha Puntland iyo wakiilo heer federal ah.

2 March, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa shir-guddoomiyey shir degdeg ah oo uu yeeshay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa shir-guddoomiyey shir degdeg ah oo uu yeeshay Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xaaladda dalku marayo iyo falkii ay ku kacday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo si masuuliyad darro ah Hawada uga celisay Diyaarad Garoowe usoo waday Xildhibaanada Puntland ku metela Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la tashi usoo aaday deegaan Doorashadooda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), qaar ka mid ah xubnaha ku metela Puntland Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , Goleyaasha Dowladda Puntland, La-taliyeyaal iyo masuuliyiin kale.