Madaxweyne Deni oo casumaad gaar ah Boosaaso ugu fidiyey askar Somaliland sii deysey.

2 May, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso maamuus gaar ah ugu samaynaya maxaabiistii Somaliland ku…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso maamuus gaar ah ugu samaynaya maxaabiistii Somaliland ku qabatay dagaaladii gobolka Sool oo maalmo kahor laga sii daayey Hargiesa.

Askartaan oo hab maamuus aad u sarreeya loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland oo marti qaad ugu sameeyey Boosaaso si uu uga mahadceliyo doorkii ay ka qaateen dagaalkii gobolka Sool iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ka qaybgalka dagaalada Puntland kula jirto kooxda Daacish.

Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal iyo magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu soo dhaweeyey 10 kamid ah maxaabiistii horay ugu xirnayd Somaliland oo xorriyaddooda dib u helay.