Madaxweyne Deni oo daahfuray Wajiga Labaad ee Dagaalka Argagixisada Puntland

30 January, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray wajiga labaad ee hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow.

Madaxweynaha ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland, kuwaas oo ka qaybqaadanaya wajiga labaad ee hawlgalka sifaynta argagixisada, ciidankan ayaana loo diyaariyey hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Dowladda Puntland ayaa bilowday 26kii December 2024 hawlgalka ballaaran ee lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda.

Ciidanka ayaa intii uu hawlgalkaasi ku jirey wuxuu ka gaaray guulo waaweyn oo argagixisada lagala wareegay saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, sidoo kalena lagu laayey dagaalamayaal isugu jira ajaaniib iyo Soomaali oo ka tirsan kooxda Daacish.