Madaxweyne Deni oo dhaliilay siyaasiyiinta Puntland ee abaabulka ciidan ku hawlan.

20 June, 2026

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda…

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda Puntland, isagoo sheegay in aanay Puntland ka hirgeli karin dhaqamada lagu abaabulo ciidamo gaar ah si xilal siyaasadeed loogu raadsado ama loogu difaaco dano shaqsiyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta xilalka laga qaado ay isku dayaan inay taageero ka raadsadaan Muqdisho si ay u dhistaan ciidamo u gaar ah, isagoo xusay in tani ay tahay arrin ku cusub Puntland, isla markaana aanay hore uga dhicin maamulkii Puntland tan iyo markii la aas-aasay.

“Qof baa xil ka qaadaysaa, Xamar baa laga soo hadlayaa, ciidan buu samaysanayaa. Madaxweynayaashii soo maray Puntland ma jirin mid qori sitey, waxa soo baxay rag qori wax ku doonaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dadka xilalka laga qaado qaarkood ay isku dayaan inay hub iyo taageero ka raadsadaan Muqdisho, balse uu aaminsan yahay in arrintaasi aysan ka hirgeli karin Puntland, wuxuuna tilmaamay in Puntland ay leedahay nidaam dowladeed iyo hay’ado amni oo awood u leh ilaalinta xasilloonida iyo kala dambeynta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda guud ee bulshada Soomaaliyeed, isagoo dhaliilay fikirka ah in Soomaalidu si buuxda isugu mid tahay. Wuxuu sheegay in inkastoo ay wadaagaan diinta, afka iyo dhaqanka guud, haddana ay jiraan kala qaybsanaan qabiil oo saameyn ku leh wada noolaanshaha iyo is-aqbalka bulshada. “Waxaa la dhahaa Soomaalidu waa isku mid oo waa isku diin, dhaqan iyo af, laakiin Soomaalidu waa kala qabiil aan mararka qaar is oggolayn,” ayuu yiri.