Madaxweyne Deni oo digniin u diray cidkasta oo faragelin ku samaysa Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey bulshada degmada Buursaalax ee gobolka Mudug, ayaa…

13 August, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey bulshada degmada Buursaalax ee gobolka Mudug, ayaa si adag uga hadlay hawlgalladdii hub ka dhigista ee ka dhacay gobolka Mudug, ciidamada ay dowladda federalka ah ee Soomaaliya ka qoratay gudaha Puntland, abaabulka siyaasiyiinta mucaaradka ah ku doonayaan inay ka sameeyaan Magaalooyinka Puntland iyo qorshaha xukuumadda Puntland.

Madaxweyne Denin ayaa ugu horrayn sheegay inaysan shacabka Puntland u biqi doonin jiritaankooda, ammaankooda iyo dowladnimadooda inta ay nool yihiin ciidamada Puntland ayna dhisan yihiin hay’adaha iskaabaya , isagoo digniin u diray cidkasta oo isku dayda inay wiiqdo rabitaanka, jiritaanka iyo dowladnimada Puntland.

“Puntland inta wiilashaasi nool yihiin oo hay’adihii dowladdu shaqaynayaan ha u biqinina, marar badan oo aannu lahayn waa idinku filanahay ee ha biqinina kuwaa been moodaayey laakiin maanta casharay hayaan baan u malaynayaan, ciddii iskudayda inay dadkaan waxay ku heshiiyeen ka horyimaada wadar iyo waaxid yaa waalan baa layiri umaddaasi waxay ku heshiisay iyo dowladnimadeeda ayaa shaqaynaysa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray inaysan aqbali doonin cidkasta oo xoog iyo caga juglayn wax kaga doonaysa Puntland, ayna tallaabo ka qaadi doonaan,”Farrintaasi waxay ku socotaa cidkasta oo rabta inay wiiqdo rabitaankeenna, dadka reer Puntland waa feejigan yihiin waa soo jeedaan, lama siri karo lamana bajin karo, wax qaybsi iyo walaalnimo diyaar ayaan u nahay laakiin caga juglayn iyo digdig ninna ka yeeli mayno.”

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta cidkasta oo ka hadlaysa danta Soomaaliyeed, wixii gudaha Puntland ahna ay diyaar u yihiin in lagu xalliyo waddo kasta oo habboon, isagoo ka digey inaan lagu soo degdegin muquunin iyo burburin lagu sameeyo hanaanka dowladeed ee ka jira deegaamada Puntland.

“Soomaali wixii ka dhexeeya inaan ka hadalno oo ka xisaabtanno diyaar baan u nahay, gudeheena wixii ahna wadda kastoo habboon baan ku eegaynaa hadday siyaasad tahay, hadday nabaddoonimo tahay iyo hadday ciidan tahayba ayaa hoggaanka dowladda oo dadkiisa la tashanaya qaadi doonaa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli ay xukuumadda Puntland marar badan ku eedaysay dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay faragelin, khalkhalgelin amni iyo mid lagu wiiqayo ka waddo gudaha Puntland, iyadoo ciidamada difaaca Puntland la wareegeen dhammaan xeryihii ay kujiraan ciidamada laga diiwaangeliyey Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Bari.