Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida…

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Birmadka Booliska Puntland, kuwaas oo muddo siddeed bilood ah tababar ku qaadanay Kulliyadda Booliska ee degmada Carmo.
Madaxweynaha Puntland oo la hadlayey ciidamada ayaa ku amray inay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo ka hortegidda waxkasta oo waxyeelaynaya ammaanka guud ee deegaamada Puntland.
Siciid Deni, waxa uu si adag uga digey ciidamada ay dowladda Somalia ka qorato deegaamada Puntland oo uu ku tilmaamay hanaan tahriibin ah oo laabtoobyo ay si tuugaalaysi ah ciidamo beeleedyo ugu qoraan dhalinyaro dhaqaale ka soo qaatay Magaalada Muqdisho.
“Dowladda Federaalka Tahriib bay ku shaqaynaysaa, xagee lagu arkay dowladnimo wiil labtop wata uu ciidamo beeleedyo uga qorayo deegaan, isagoo leh ciidan qaran, kuwaasi waa qaran dumis waayo deegaankoodii ayey duminaysaa, odayaal Xamar iyo kuwa kaleba waa isaga filan yihiin reer Puntland”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.




