Madaxweyne Deni oo digniin u diray siyaasiyiinta reer Puntland ee ku sugan Muqdisho.

4 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay khilaafka mashaariicda ku salaysan ee…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay khilaafka mashaariicda ku salaysan ee ka dhexeeya dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, isagoo farriin u diray shaqsiyaadka ka soo jeeda Puntland ee ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda federalka ah iyo maamulada dalku wax wada leeyihiin waxna kala leeyihiin, haseyeeshee loo baahan yahay shaqsiyaadka mashaariicda u doonta Muqdisho aysan iskaga qaldamin danta deegaankooda iyo shaqada ay raadinayaan.

“Arrinta DFS iyo Puntland waxa ka dhexeeya ninkii Xamar wax ku haysta horaan u sheegay oo anigu ka hadda ka hadli maayo, laakiin ninkii Puntland wax u haya waxaa la rabaa inuu waxna doonto danta Puntlandna difaacdo oo aysan waxba isaga qaldamin”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa intaa sii raaciyey,”Haddaa wax doonaysid macneheedu ma ahan dadkaaga xisaabtiisa inaad ku taraaraxdid, marwalba qofka mas’uulka ah waxaa waajib ku ah difaaca meesha laga doorto qofkii aan iskumiisaami karin hadde inuu siyaasadda isaga tagaa loo qaatey, waxna waa wada leenahay waxna waa kala leenahay federalka macnihiisu waa saas, marmarbaa qolyaha Xamar jooga dheheen waxayga lihi waxaagana kula lihi, marka Xamarbay u qaateen keligood inay leeyihiin”.