Madaxweyne Deni oo eedayn u jeediyey dhalinyarada Puntland shaqo la’aanta uga tahriibaya.

7 December, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey shaqo la’aanta iyo dhalinyarada u tahriibaya dalka dibaddiisa…

Said Deni Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey shaqo la’aanta iyo dhalinyarada u tahriibaya dalka dibaddiisa ayaa sheegay in dhalinyarada diidan shaqooyinka dalka ay dibadda ka qabtaan kuwa lamid ah ama ka hooseeyna ayna ka cararayaan dalkooda.

“Dhalinyaradeenu meelaha ay aadaayaan shaqooyinka ay halkaan kaga xishoonayaan bay xagaas ka qabanayaan waa edeb-darro kale, waalidiinta iyo maclimiintu waa inay saxaan barbaarinta carruurta oo ugu yaraan aan joojinaa shaqooyinka laysku maagayo”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dalka aysan ka jirin shaqo la’aan ayna jiraan ajaabiin badan oo dalka dibaddiisa uga yimaada inay ka shaqeeyaan boosas badan oo muhiim u ah hawlaha dalka ka socda.

“Dalkaan waxaa la leeyahahay shaqa la’aan baa looga tagaa waana loo soo shaqo doontaa waa laba arrin oo aan is qaban karin, runtii boosas badan oo muhiim ah ayaa dad dibadda inooga yimid oo ajaaniib ah ka shaqeeyaan, waa ogaan doontaan dhawrka kun ee ka shaqaynaya xaafaddaan waa ku yaraan doonaan tirada reer Puntland ee ka hawlgelaya”, Ayuu yiri markale Madaxweynaha Puntland.