Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay xildhibaanada reer Puntland ee weli ku sugan Muqdisho…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay xildhibaanada reer Puntland ee weli ku sugan Muqdisho inay midoobaan aysanna ogolaan waxkasta oo liddi ku ah midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
“Xildhibaanada naga maqan ee laleeyahay anagay na raadinayaan anagu cidna lacag ku baayici mayno laakiin inaa soo qancisaan oo dalkooda difaaciisa qayb ka noqdaan inaan laga daalin ayaan rabnaa runtii gorgortan xilliyada doorashada waa la arki jirey laakiin sharci lacag lagu bixinaayo waa wax aan meesha kujirin”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland doonayn wax dheeri ah, isagoo dhaliilay guddiga doorashooyinka heer federal oo uu tilmaamay inay yihiin hal xisbi oo aan heshiis lagu ahayn.
“Sida hadda uu u dhaqmaayo waa garanaysaan wax xun inuu ka shaqaynayo taas ayaana daliil u ah, hadduu gar lee yahay waa garnaqsan lahaa, wax qaldan iskuma raaci karno haddaan reer Puntland nahay doonina mayno xitaa waxaan isku qabanay Puntland doorashooyinkoodii guddi heer federalka ah ayaa doorasho u qabtay Galmudug haddii heer federal qabtaan hadalku ma laba sharci ayuu yeelanayaa muxuu yahay sharciga Puntland dhaqaya oo aan Galmudug dhaqayn iyo guddi aan heshiis lagu ahayn oo hal xisbi ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.



