Madaxweyne Deni oo gaarey Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

27 April, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bilaabay safar uu ku marayo gobolada Bari iyo Sanaag ayaa…

Screenshot

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo bilaabay safar uu ku marayo gobolada Bari iyo Sanaag ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ugu astaysan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kulamo kula qaadan doona Suldaan Siciid Cabdisalaan oo dhawaan ka baxay Garoowe, kadib markii uu ka carooday iskushaandhayntii xukuumadda Puntland.

Madaxweyne Deni, Suldaan Siciid iyo qaar kamid ah isimada kale ee dhaqanka ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka, arrimaha doorashooyinka federalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee Somalia.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqan doona Magaalada Boosaaso si uu u daahfuro koobka caasimadaha Puntland ee ka furmaya garoonka Shuhadada.