Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, oo todobaadkan kulamadooda ku yeeshay magaalada Gaalkacyo.
Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, sidoo kale waxaa looga hadlay Arrimaha Gudaha Puntland sida Amniga, Difaaca iyo illaalinta Midnimada Puntland iyo dardargelinta Gurmadka la gaarsiinayo dadka Abaartu saameysay.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), xubnaha Golaha Joogta ee Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.




