Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka UNFPA ee…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Francis Anyansi iyo Marwo Samiira Maxamuud oo ka tirsan UNFPA Puntland.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin katirsan golaha xukuumaddda ayaa waxaa looga hadlay wadashaqaynta UNFPA iyo Dowladda Puntland iyo dar-dargelinta Mashaariicda Hay’addu ka wado Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Inkastoo aysan Madaxtooyadu wax faahfaahin ah ka bixin socdaalka madaxweynaha, waxa uu dalka Imaaraadka kula soo kulmay diblumaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeedda Dubai oo saamayn ku leh arrimaha siyaasadeed ee Somalia.




