Madaxweyne Deni oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qorshaha GMS.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka…

21 February, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaah doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qorshaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in GMS ay sameeyeen dulqaad xooggan si aysan cududaar ugu samayn qorshaha dowladda, “Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal, waxa keliya noo furan dagaalka argagixisada.”

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa heshiis ugu yeeray MW Xasan Sheekh Maxamuud,“Madaxweyne Xasanow aan heshiinno, wixii aan ku barannay dagaalkii IS ee Puntland in aan dalkaan lagu difaaci karin awood dowlad goboleed oo keliya… aniga & MW Axmed waxa aan u joognaa in aan badbaadinno jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.”

Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn waxka-beddelka dastuurka,”Dastuurka halkaan lagu malmaluuqayo wax ka jira ma jirto – madaweyne Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe hadii uu dastuur u noqnayo iyagey jirtaa. -Puntland qayb ka noqon mayso.”