Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Boosaaso tababar ugu soo xiray cutubyo katirsan ciidanka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Boosaaso tababar ugu soo xiray cutubyo katirsan ciidanka PMPF oo si gaar ah loo tababaray ayaa ka hadlay arrimaha SSC KHATUMO.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kadib dagaalkii Gooja-cadde ay maamulka SSC KHATUMO ka sugayeen wadatashi iyo shirweyne looga arrinsanayo dhabbaha xiga ee la aadi doono haseyeeshe hoggaanka maamulka aysan qaadin tallaabadii la sugayey.
Waxa uu ugu baaqay hoggaanka SSC KHATUMO inay la yimaadaan laba qorshe midk0od oo ah in labada dhinac isu yimaadaan isla markaana ay wada arrinsadaan ama ay kala tashtaan.
“SSC KHATUMO laba mid baa laga rabaa, hadalkoodii ahaa waa wadatashanaynaa iyo inay caddeeyaan waa tashanaye idinkuna tashada, labadaas mid ayey noqon doonaa labadana diyaar baan u nahay”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.






