Madaxweyne Deni oo ka qayb galay howlgalinta ciidamo cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga degmada Qardho ayaa galabta ka…

21 October, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga degmada Qardho ayaa galabta ka qeybgalay munaasabadda howlgelinta Ciidanka iyo Saraakiisha dufcadda 8-aad ee Booliiska Puntland.

Ciidankan cusub ayaa dhowaan kasoo baxay Kulliyadda Tababarka Booliska ee degmada Carmo, halkaas oo ay ku qaateen tababarro la xiriira sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka cusub guusha ay gaareen, isagoo ku dhiirrigeliyay inay noqdaan kuwo daacad ah oo si hufan u gutta waajibaadkooda, si loo adkeeyo amniga iyo kala dambeynta gudaha Puntland.