Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay olole ciidda looga bannaynayo buuda-jiifta Ceel-daahir.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa degmada Carmo iyo degsiimada Ceel-daahir ka bilaabay olole mutadawacnimo…

12 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa degmada Carmo iyo degsiimada Ceel-daahir ka bilaabay olole mutadawacnimo ah oo lagu banaynayo Wadada Laamiga ah ee marta Togga Ceeldaahir, oo isku xira Carmo iyo Ceel-daahir, kaas oo qeyb ka mid ah Laamiga ay qarisay Ciid guuraysa oo daadadku sababeen.

Ujeedka arrintan ayaa ah in Madaxweynuhu uu Bulshada Carmo iyo Ceel-daahir iyo guud ahaan deegaannada kale ee Puntland, ku dhiirigelinayo in ay Ciida ka guraan Wadooyinka Puntland, oo deegaan kasta ay masuuliyad iska saaraan.

Madaxweynaha oo si toos ah uga qaybgalay banaynta Wadada dhexmarta Togga Ceel-Daahir, ayaa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Degmada Carmo , Masuuliyiinta Degsiimada Ceel-Daahir iyo ciidanka Booliiska ah ee cusub iyo Ciidanka Madaxtooyada Puntland.