Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi ayaa maanta Daah-furay Biyo-dhaan ay Dowaladdu ka samaynayso dhammaan Dagmooyinka iyo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi ayaa maanta Daah-furay Biyo-dhaan ay Dowaladdu ka samaynayso dhammaan Dagmooyinka iyo Gobollada Puntland ee ay Abaartu saamaysay.
Gurmadkaan oo wajigiisa kowaad u badan yahay biyo-dhaamin xooggan ayaa la gaarsiin doonaa dhammaan gobolada Puntland gaar ahaan deegaamada ugu daran ee laga soo weriyey biyo la’aanta iyo saamaynta xooggan ee abaarta, sida ay sheegeen guddiga gurmadka abaaruhu.
Madaxweynaha Puntland ayaa madasha ka sheegay in ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in dadka loo gurmado, wuxuuna ugu baaqay shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah inay door weyn ka qaataan arrintaan, guddiga gurmadkuna si caddaalad ah ku gaarsiiyaan dadka mudan.
“Dowladdu iyadoo kaashanaysa guddigii Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayey ayey maanta daahfuraysaa gurmadkaan, dadku waa isdhaamaan waa in dadku isu kaalmeeyaan waxaan ugu baaqayaa jaaliyadaha Puntland inay soo gaaraan xaaladdaan adag, waxaan rabnaa wixii la helo inaan la qaybsan ee ay noqoto yaa Mudan, waxaa la gaarey xilligii dadka Soomaaliyeed iyagu isu gurman lahaayeen”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.



