20 October, 2025
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo kusoo gaaray degmada Carmo, ayaa boggaadiyey Ciidanka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo kusoo gaaray degmada Carmo, ayaa boggaadiyey Ciidanka cusub ee loo diyaarinayo Booliska kuwaasi oo tababar uga socdo Kulliyadda tababarka Booliska ee Carmo.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Ciidanka Tababarku u socdo iyo dadaalka Masuuliyiinta booliska iyo dadkii kala shaqeeyayba ay geliyeen in qorshahan hirgalo, wuxuuna muujiyey muhiimada ay leedahay in maanta Puntland dadka ciidanka noqonaya ay yihiin kuwo aqoon leh.



