Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Warbaahinta Dowladda, halkaas oo uu ku soo arkay dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyay xarumahaasi, isaga oo sidoo kale warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta labada hay’adood.
Madaxweynaha ayaa xarunta dhexe ee TV-ga iyo Radio-ga Dowladda Puntland ka furay qaybo dib-u-dayactir iyo casriyeyn lagu sameeyay, kuwaas oo ay ka mid yihiin waaxyaha wararka, barnaamijyada, hoolka shirarka iyo xafiiska wax-soo-saarka, isagoo intaas kaddib kormeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee warbaahinta, isaga oo la kulmay hawlwadeennada ku jiray shaqadooda maalinlaha ah, kuna boorriyay inay xoogga saaraan wararka iyo barnaamijyada kor u qaadaya wacyiga bulshada iyo arrimaha muhiimka u ah nolosha dadka.
Intii uu booqashada ku jiray, Madaxweynaha ayaa waraysi kooban siiyay warbaahinta dowladda, isaga oo ka hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay shaqada ay hayaan hawlwadeennada warbaahinta dowladda.
Dhanka kale, Deni ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, isagoo indho-indheeyay dib-u-habaynta iyo casriyeynta lagu sameeyay xarunta, isaga oo hoggaanka Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha qabsoomay iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Kulankii uu la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha iyo madax-qaybeedyada Wasaaradda, Madaxweynaha ayaa xoogga saaray baahida loo qabo maarayn hufan, isku-tashi iyo tashiilidda kharashaadka, xilli ay yaraadeen deeqihii dibadda ee lagu taageeri jiray adeegyada caafimaadka. Wuxuu masuuliyiinta kula dardaarmay inay raadiyaan xalal waara oo ku dhisan qorsheyn wanaagsan iyo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaale ee gudaha, si loo xaqiijiyo sii socoshada adeegyada caafimaadka ee bulshada Puntland.





