Madaxweyne Deni oo kormeeray goobo muhiim ah oo kuyaalla Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Xaafuun ee Gobolka…

9 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, ayaa maanta kormeeray and Warshada Kalluunka sameysa, Warshada Biyaha Macaanaysa iyo Garoonka Diyaaradaha ee degmada Xaafuun.

Madaxweynaha ayaa kormeeray sida ay u shaqeyso Warshada biyaha macaanaysa, oo Dowladdu hirgelisay taasi biyo macaan siisa degmada Xaafuun iyo deegaannada hoos yimaada, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu booqday Warshada Kalluunka ee Xaafuun oo Kalluunka u iibgeysa dalka iyo dibadiisa, Madaxweynaha ayaa boggaadiyey ganacsatada maalgashatay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Xaafuun, isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada iyo maamulka degmada Xaafuun. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada uu deeganadan u leeyahay Garoonkan oo la horumarinayo si uu ugu adeego bulshada deegaannadan ku nool.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Xaafuun.