Madaxweyne Deni oo ku amray Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale inay soo gudbiyaan xogtooda

3 April, 2025

Talaabada madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo inuu isbedelo ku sameeyo hay’addaha dowladda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo warqad rasmi ah u qoray wasaaradaha dowladda ayaa ka dalbaday in ay soo gudbiyaan dhammaan liisaska iyo xogta shakhsiga agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha, madax-qeybeedada.

Warqadda ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni oo loo diray guud ahaan wasaaradaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale looga dalbaday dhammaan faahfaahinnada ku saabsan xogta shaqaalaha iyo hantida wasaarad kasta, siday xaqiijinayaan ilo wareedyo hoose.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale xafiiska madaxweyne Deni uu dalbaday soo gudbinta mashaariicda iyo shaqooyinka ka socda wasaaradaha iyo wixii caqabado ah oo jira, sida laga arkay warqaddan loo diray guud ahaan wasaaradaha dowladda.

Talaabada madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo inuu isbedelo ku sameeyo hay’addaha dowladda.

Horseed Media