Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee ay Soomaaliya marayso…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee ay Soomaaliya marayso iyo go’aamada kharaar ee horyaalla madaxda dalka iyo maamul goboleedyada.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dalku kujiro marxalad xasaasi ah loona baahan yahay in la qaato go’aamo midaysan inta aysan beesha caalamku qaadan go’aamo kharaar oo aan dan u ahayn siyaasiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
“Dal boqorogaando laguma maamulo karo xaqiiqda haloo soo daadego, waxaan ugu baaqayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in xaqiiqda la wajaho, haddii aysan taasi dhicin waxkaloo ka kharaar oo xun baa la arki doonaa, kharaarkaas aan cidna danta u ahayn intuusan na soo gaarinna aan miiska wadahadalka isugu imaano”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa markale yiri,”Cid diyaar u ah inay dalkaan kaalin ka geysato yaan laga qoqobin, hadduu saxan yahay waa laga aqbalayaa haddii kalena walaalihiisaa ka qabanaya, wax laysla kala qoqobo majiraan, reer Puntland waxay diyaar u yihiin in kaalintoodu caddaato.”