Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeedda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyey degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa si…

10 September, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyey degmada Xaafuun ee gobolka Bari ayaa si adag uga hadlay doonyaha jariifka ee ku habsadey xeebaha Puntland iyo falalka afduubka kooxaha burcad-badeeddu ka geystaan qaybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Ugu horrayn Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa beeniyey jiritaanka Maraakiib & doonyo jariif oo dowladda u saaran badda, wuxuuna xusay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ganacsiga ee ku xadgudba heshiisyada kalluumaysiga lala galay iyo shuruucda caalamiga ah ee badda.

“Waxaan idiin caddaynayaa Markab dowladdu leedahay oo wax jariifa ama yuusan jariifine majiro, haddii niman been idiin sheegeen oo idin yiraahdeen dowladda ayaa leh arrintaas dib dambe yeysan u dhicin, hadii markab aysan dowladdu lahayn lakiin ay ruqso siisay ay dhacdo inuu ku xadgudbo shuruucda badda oo meelaha loogu talagalay uusan ka kalluumaysanna wasiirkii kalluumaysigu waa joogaa waa in wax laga qabtaa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in xukuumaddiisu kooxaha burcad-badeedda ula dagaalami doonto si lamid ah kooxda Daacish, isagoo sheegay inay waxyeelaynayso sumcadda iyo dhaqaalaha Puntland.

“Burcad-badeedda sidaan Daacish ula dirirnay ayaan ula dagaalamaynaa maxaa yeelay waxay baabi’inaysaa sumcaddeena iyo waxa aan ka sheekaynayno ee mustaqbalka ah iyo dhaqaaleheena maxaa yeelay waxaan u baahanahay maalgashi caalami ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.