Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dhammaystirka hawlgalkii Cal-miskaad iyo tallaabada xigta.

15 June, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyey golaha wakiilada ayaa si adag uga…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyey golaha wakiilada ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.

Siciid Deni ayaa ugu horrayn ka hadlay dhibaatada ay kooxaha nabaddiidku ku hayeen deegaanka, dhaqaalaha iyo dhammaan horumarada deegaamada Puntland isagoo shacabka ugu yeeray inay laba jibbaaraan taageerada dagaalka ka dhanka ah nabaddiidka.

“Haddii aan amni jirin dalkaan waxaa isugu soo haraya argagixiso iyo dhul cidlo ah oo dhammaan shacabkii iyo ganacsatadii waa ka cararayaan, waxaanna u baahanahay in dhammaan reer Puntland oo aan kala harin ay dalkooda ka xoreeyaan cadawgaas gabaabsiga ah”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in hawlgalka Hillaac uu 98% soo dhammaan, wuxuuna sheegay in wajiga 4aad ee hawlgalku uu yahay sifayn iyo u diyaar garawga hawlgalka Onkod ee ka dhici doona Cal-madaw.

Madaxweyne Deni,”Qorshaha argagixisadu wuxuu ahaa sidii Cal-miskaad looga dhigi lahaa xarunta laga hago falalka foosha xun ee ay dunida ka geysanayaan, laakiin waxaa beeniyey ciidamada geesiyada ah ee Puntland, wajiga 4aad oo berri bilaabanayana wuxuu ku egyahay inay soo afjaraan meelaha yar ee ciidanku ku hareeraysan yihiin iyo diyaar garawga hawlgalka Onkod ee Cal-madaw”.