Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in ciidanka PMPF ku laaban doonaan ilaalinta badda Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshe ballaaran oo lagu ilaalinayo ammaanka xeebaha Puntland, xilli ay sii kordhayaan…

20 August, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshe ballaaran oo lagu ilaalinayo ammaanka xeebaha Puntland, xilli ay sii kordhayaan kalluumaysatada sharic darrada ah, tahriibka iyo hubka sharci darrada ah ee la keenayo xeebaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in qof walba oo reer Puntland ah looga baahan yahay inuu ammaanka dhiniciisa ka ilaaliyo ka xukuumad ahaanna ay wadaan qorshe amni oo uusan carrabaabin.

“Haddii dadkeena oo dhan badda si nidaamsan loo wada geliyo difaaciisu waa adkaan doonaa, waxaan qorshayn doonaa qaabkii ammaanka badda loo sugi lahaa hadday ahaan lahayd tahriibayaasha, kalluumaysatada sharic darrada ah iyo hubka sharci darrada ah intaba”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ciidanka badda Puntland ee PMPF ku mashquuleen ammaanka berriga ayna ku hawlan yihiin sidii ay dib ugu laaban lahaayeen shaqooyinkoodii badda iyadoo loo dhammaystiri doono agabkooda badaha.

“Waxaynu leenahay ciidan gaar ah PMPF laakiin muddooyinkii muddooyinkii dambe xooggoodu waxay ka shaqaynayeen shaqadii dagaalka argagixisada, iyagana waxbaan ka bedeli doonaa mar haddii argagixisadii shaqo badan laga qabtay si ay shaqooyinkoodii asalka ahaa xoog ugu noqdaan oo badihii aad loo difaaco, in doonyaha la kordhiyo, qalabka badda sida droneska badda la kordhiyo”, Ayuu yiri markale Madaxweynaha Puntland.