Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Puntland isu maamulayso sidii dowlad Madax-banaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya deegaamo katirsan Bariga durugsan ee Puntland ayaa…

8 September, 2026

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya deegaamo katirsan Bariga durugsan ee Puntland ayaa ka hadlay xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo xukuumadda uu hoggaamiyo ee Puntland, xilli ay Soomaaliya wajahayso mowjado siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka diblumaasiyadda.

Siciid Deni, waxa uu sheegay in lalaay dhammaan dastuurkii iyo arrimihii heshiiska lagu ahaa, taasi oo uu sheegay inay Puntland u ogolaanayso maamulka daneheeda gaarka ah iyo inay sidii dowlad madax-banaan u dhaqanto inta laga helayo hanaan siyaasadeed oo Soomaalidu heshiis ku tahay.

“Heshiis kasta oo naga la dhexeeyey Federaalka waa la laalay , dowladda Puntland waxay go’aan ku qaadatay in inta dastuurkaas dib loogu laabanayo oo Soomaali heshiisnayso inay dastuurkeeda iyo dowladnimadeeda iyadu ay maamulan doonto, marka taasi waxay keenaysaa cid aan Puntland ahayn awood uma leh inay deegaankaan ka shaqayso sida ay qabaan dastuurka Puntland iyo midkii Soomaali heshiiska ku ahayd”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray in xildhibaanada iyo xubnaha xilalka siyaasadeed ka haya Muqdisho ee ka soo jeeda Puntland aysan haysan sharciyad rasmi ah ayna yihiin shaqsiyaad shaqo tegey, isagoo uga digey inay iskudayaan carqaladaynta dowladnimada iyo midnimada reer Puntland ay xilligaan haystaan.

“Waxaa la rabaa dadka shaqo tegey ee aan hadda haysan sifada sharciga ah waxaa la rabaa dadkaan inaysan qasin haddii ay ula yimaadaanna aysan ka yeelin, gobolka Raas-casayrna waa ka caagganaa waxyaabahaas waana ku mahadsan yihiin dadkiisa oo iska diidey, dowladdiinu hadda kadib fursad ma siin doonto kuwa warxuma tarshiilka ah, inta waddooyinka la hagaajinayana diyaaradaha waa furi doonaa garoonka diyaaradaha Caluula”, Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Deni.