Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidamada sida…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PMPF ayaa ka hadlay dagaalada ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan Somalia.
Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in dhowaan la soo gabagabayn doono hawlgalka ciribtirka Daacish ee Hillaac, tallaabada xigtana ay noqon doonto hawlgalka Onkod ee Alshabaab looga saarayo Cal-madaw.
“Hawlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow” Madaxweyne Deni, oo tababar u xiray ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan PMPF.
Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay tahay qayb kamid ah Somalia isla markaana aysan gacmaha ka laaban doonin dagaalka ka socda Koonfurta marka ay ka soo jeensato deegaamadeeda.
“Puntland markii ay Hawlgalada Amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato, waayo Puntland waa qeyb ka mid ah Somalia”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.



