Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lafilayaa inuu maalinimada berri ah Magaalada Boosaaso salaadda ciidda…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lafilayaa inuu maalinimada berri ah Magaalada Boosaaso salaadda ciidda kadib jeediyey khubad uu diiradda ku saarayo arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dagaalada ka dhanka ah argagixisada.
Qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweyne Deni lafilayo inuu ka hadlo waxaa kamid ah soo afjaridda wajigii saddexaad ee dagaalka Daacish iyo in guud ahaanba la wiiqay awooddii kooxda Daacish.
Waxaa lafilayaa inuu shaaciyo in loo diyaar-garoobo bilowga Hawlgalka Calmadow ee Argagixisada AS looga sifaynayo buuraha Calmadow, kaasi oo sida dowladdu sheegtay loogu magacdaray Hawlgalka ONKOD.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Hillaac ee ka socda Cal-miskaad ayaa shaaciyey in Daacish la jebiyey ayna hadda ka hadhsan yihiin tiro kooban oo nafla caari ahana ugu dhuumaalaysanaya godad lagu raad joogo.