Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu shaqo adag ka qaban doono hay’adaha garsoorka…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu shaqo adag ka qaban doono hay’adaha garsoorka Puntland oo ay muddooyinkii dambe bateen cabashooyinka bulsho ee ka imaanaya.
Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in dhaliilaha garsoorku ay siweyn u kordheen ayna noqon doonaan yoolka saddexaad ee uu miiska saari doono si wax looga qabto marka la gaaro January 2026.
“Garsoorka dhaliil badan baa ku jirta, waa yoolka saddexaad oo ilaahay idankiis aan miiska saari doono marka la gaaro jannaayo, Mar dambe ma dhici doonto nin magac garsoor huwan in uu maqaayad ka dhex-furto bulshada dhexdeeda”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Maalinimadii shalay ayey Horseed Media baahisay hay’adaha garsoorka Puntland oo siweyn uga carooday dhaliilaha uga imaanaya bulshada, xilli siweyn loo sugayey dib u habayn madaxweynuhu ku samayn doono.



