Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogey gobolka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogey gobolka Mudug ayaa habeenimadii xalay xarunta Madaxtooyada Kulan Kula qaatay Guddiga horumarinta ee degmada Gaalkacyo.
Madaxweynaha oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda ayaa ugu horrayn warbixin ka dhegaystay Guddiga horumarinta degmada Galkacyyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kulanka ayaa muddii uu socdey siweyn diirradda loogu saaray horumarinta degmada Gaalkacyo, iyadoo ay kulanka ka qeybgaleen xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Maamulka degmada Gaalkacyo.





