Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa kulan ku saabsan dardargelinta dhameystirka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa kulan ku saabsan dardargelinta dhameystirka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Cal-miskaad, la qaatay Saraakiisha Hawlgalka wada.
Kulanka waxaa kale oo ka soo qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire iyo Lataliyeyaal Madaxweyne .
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay saraakiisha iyo khubarada, iyadoo lasoo bandhigay Guulaha Ciidankeenna geesiyaasha ah gaareen, Hawlgalada qabsoomay iyo kuwa qorsheysan, waxaana ujeedku yahay dhameystirka hawlgalka Calmiskaad iyo u diyaaragowga Calmadow.
Madaxweynaha iyo Saraakiisha Amnigu waxay boggaadiyeen kaalinta Shacabweynaha Puntland dal iyo dibadba ay ka qaateen hawlgalka intuu socday iyo sida bulshadu garab istaag ugu muujinayso Ciidankeenna geesiyaasha ah.



