Madaxweyne Deni oo la hadlay haween ka kala yimid gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe si rasmi ah u furay…

18 July, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe si rasmi ah u furay Shirweynaha Haweenka Puntland 2026, oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa sanadkan lagu qabtay hal-ku-dhigga “Haweenkeenu waa Wadnaha Puntland,” iyadoo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarka iyo dowlad-dhiska Puntland.

Shirweynaha waxaa ka qaybgalaya guddiyada kala duwan ee haweenka Puntland oo isaga kala yimid dhammaan 9-ka gobol ee Puntland, waxaana sidoo kale goobta ku sugan hay’ado caalami ah, ururro maxalli ah iyo marti sharaf kale. Inta uu shirku socdo ayaa la isku weydaarsan doonaa aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan horumarinta haweenka, ilaalinta qoysaska Soomaaliyeed iyo xoojinta karaamadooda.

Khudbaddii furitaanka, Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin horumarka iyo nabadda. Wuxuu ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu kobcinayo ka qaybgalka haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri: “Haweenku waa saldhigga bulsho kasta oo adduunka ku nool. Waayadan dambe waxaa haweenka Puntland samaynayaan isbeddelo ay kaga hawlgelayaan goobaha kala duwan ee dowladda.” Hadalkan ayuu ku muujiyay in haweenka Puntland ay si isa soo taraysa uga dhex muuqdaan hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada.