Madaxweyne Deni oo la kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan

16 March, 2025

Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad.

Sidoo kale, waxaa Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Horseed Media