Madaxweyne Deni oo la kulmay guddiga nabadgelyada gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiyada Nabadgelyada,…

31 October, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiyada Nabadgelyada, Horumarka iyo Arrimaha bulshada ee Gobolka Nugaal.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo qaar kamid cuqaasha gobolka.

Muddadii uu socdey kulanku ayaa siweyn loogu lafa-guray xaaladda ammaan ee gobolka, fulinta heshiiskii nadeed ee bulshada gobolka Nugaal iyo sidii loo hirgelin lahaa qorshaha casriyeynta ammaanka caasimadda.