Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya deegaamo katirsan gobolka Mudug ayaa habeenimadii…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya deegaamo katirsan gobolka Mudug ayaa habeenimadii xalay Magaalada Galkacyo kulan kula qaatay mas’uuliyiinta dowladda ugu magacaaban gobolka Mudug.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa muddaddii uu socdey looga hadlay adkeynta Amniga , dardargelinta adeegyada Dowliga ah iyo dhameystirka Mashaariicda horumarin ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland ayaa safar u geli doona degmada Galdogob ee gobolka Mudug oo uu kaga qaybgeli doono caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed oo ku soo biiri doona golayaasha dhaqanka ee Puntland.





