Madaxweyne Deni oo la kulmay qaar kamid ah shacabka Boosaaso.

31 March, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada kunool magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kulankaan ayaa looga hadlayey arrimaha ammaanka, dagaalka ciribtirka argagixisada, gacansiinta dowladda iyo doorka bulshadu ka qaateen hawlgalka Hillaac ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad.

Madaxweynaha Puntland waxa uu uga mahadceliyey shacabka gobolka Bari sida ay dowladda ugu garab istaageen dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish iyo ka qayb qaadashadooda ammaanka Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.