Madaxweyne Deni oo la kulmay xildhibaanada Puntland & kuwa DFS.

8 January, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Luagatoor, ayaa caawa wadatashi iyo is-xogwareysi la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Muddadii uu socdey Kulanku ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Senator Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Ahna Senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ay la yeellanayaan Goleyaasha Dowladda , Siyaasiyiinta, Haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi Kasoo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Dowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.