Madaxweyne Deni oo xaalada Mudug kala Shiray Isimada gobolka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo bulshada…

27 October, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo bulshada gobolka Mudug si looga wada hadlo amniga iyo horumarinta gobolka. Kulanka waxaa ka qayb galay xildhibaanno federaal ah, maamulka gobolka, isimmo dhaqameed, siyaasiyiin, haween iyo ganacsato.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dilalka aanooyinka qabiilka ee gobolka ku soo badanayay, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow.

Intii uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista dhaqaalaha gobolka Mudug.

Sanadihii la soo dhaafay, Mudug waxaa ka dhacay dilal isdaba joog ah oo loo aaneynayo aanooyin qabiil kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh iyadoo dowladda Puntland ay sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin lagu xakameynayo falalkaasi.