Madaxweyne Deni oo loogu yeeray inuu Soomaalinimo ka shaqeeyo.

16 February, 2026

Qaar kamid ah ganacsatada iyo waxgaradka deegaamada Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo…

Qaar kamid ah ganacsatada iyo waxgaradka deegaamada Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada Soomaaliya aysanna Puntland ka gaabin kaalintii looga bartay ee dowlad-dhiska dalka.

Jaamac Salaad Dhega-dheere oo kamid ah ganacsatada deegaamada Puntland gaar ahaan Garoowe ayaa ugu yeeray Madaxweyne Deni inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Villa Somalia Madaxweyne reer Puntland ah ayaa dowladnimada geeyey, madaxweynaha hadda joogana waxaa laga rabaa inuu ka shaqeeyo Soomaalinimo, waxaad u idniman tahay kaliya Soomaalinimo”, Ayuu yiri Jaamac Dhega-dheere.

Ganacsade Jaamac ayaa intaasi ku daray,”Midnimo Soomaaliyeed, sharaf Soomaaliyeed inaad ka shaqaysaan rabnaa dadka waxaa deeqa waa Soomaalinimo.”