Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa saaka bilaabaya…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa saaka bilaabaya safar uu ku tegi doono deegaamo katirsan gobolka Mudug.
Waftiga Madaxweynaha ayaa isla maanta dhagax dhigi doono 37KM oo kamid ah laamiga isku xira degmooyinka Xarfo iyo Galkacyo oo muddooyinkii dambe siweyn looga cabanayey burburkiisa.
Dhanka kalena, waftiga madaxweynaha ayaa la qorshaynayaa inay kulamo la yeeshaan maamulka gobolka Mudug, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada Magaalada Galkacyo, si ay uga jawaabaan su’aalaha la xiriira dibu-dhacyada gobolka kajira iyo tabashooyinka bulshada.
Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo xubin ka ah waftiga madaxweynaha ayaa warbaahinta u sheegay in waddada maanta la dhagax dhigi doono lana bilaabi doono shaqadeeda maalmaha soo socda, isagoo eedaymo ujeediyey siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka oo uu sheegay inay isku baacsanayaan laba kursi oo heer federal ah doorashada 2026.