Madaxweyne Deni oo madaxtooyada ku casumey golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Osmaan Lugatoor…

9 December, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa caawa kulan is-xogwaraysi kula qaatay xarunta Madaxtooyada Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoonka golaha wakiilada dowladda Puntland, Xildhibaanada Golaha shacabka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland.

Kulanka ayaa muddadii uu socdey laysaga xog waraystay xaaladda guud ee Puntland, arrimaha ammaanka iyo xaaladda siyaasadeed ee Somalia, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka golayaasha dowladda Somalia.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay inuu soo xirmay kal-fadhigii 57aad ee barlamaanka Puntland.