Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magaacabay wasiirka wasaaradda dekedaha Puntland…

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magaacabay wasiirka wasaaradda dekedaha Puntland iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorshaynta Puntland.
Hoos ka akhriso:
Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
1-Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda Puntland
2-Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Horseed Media