Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilay maxaabiistii laga soo daayay…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilay maxaabiistii laga soo daayay Somaliland qaar kamid ah xabsiyada kuyaal Somaliland.
Madaxweynaha ayaa askartaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaaladii gobolka Sool uga mahadceliyey sidii dhiiranaanta ahayd ee ay naftooda ugu hureen gobolka Sool, isagoo ku tilmaamay halyeyo dalkooda u soo halgamey.
Puntland iyo Somaliland ayaa waxa ay 30-kii April 2025, ay wada gaareen heshiis maxaabiis isweydaarsi iyadoon cidkale u dhaxeyn, Heshiiskaasi ayaa lagu siidaayey 26 Maxbuus oo labada dhinac ah.








