Madaxweyne Deni oo qaabilay wafuud ka socda bisha-cas & laanqayrta cas.

12 January, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Laanqeyrta cas ee Caalamiga ah (ICRC), Hay’adda Bisha cas ee Soomaaliyeed (SRCS) iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) , Wafdiga oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Bisha Cas ee Soomaaliyeed Mudane Yuusuf Xasan Maxamed waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Madaxa (IFRC) ee Africa Mudane Charles Businge.

Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Hay’adahaasi iyo Dowladda Puntland, dardargelinta shaqooyinka ay dalka ka hayaan gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada oo ay hadda ugu horeyso gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.

Kulanka waxaa Madaxweynaha qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland.