Madaxweyne Deni oo Qardho u tegey xallinta khilaaf ka tagaan Xorgoble.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan saraakiil katirsan aqalka Madaxtooyada ayaa gaarey Magaalada…

6 April, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan saraakiil katirsan aqalka Madaxtooyada ayaa gaarey Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha oo xalay ku hoydey Magaalada Qardho ayaa safarkiisu la xiriira u kuurgelidda xaaladda gobolka iyo xal u helidda khilaaf maalmahaan la sheegay inuu ka taagnaa dugsiga tababarada ciidamada ee Xorgoble Qardho.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu kujiro shaqooyinkiisii caadiga ahaa uuna warbixino kala duwan ka dhegaysan doono saraakiisha ciidamada, maamulka gobolka, kan degmada iyo qaar kamid ah qaybaha bulshada ku sugan Magaalada Qardho.

Dugsiga tababarada ciidanka ee Xorgoble Qardho ayaa maalmahaan la sheegay inay ka taagnayd xiisad gedood ciidan la xiriirta, kadib markii ciidanka saraakiisha hoggaaminaysa iyo kuwa ka agdhaw Madaxtooyada khilaaf soo kala dhexgalay.